Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dhaawacii soo gaadhay Goolhayaha Alisson Becker Kulankii Norwich City ee horyaalka premier League kana dhacay garoonka Anfield.

Klopp ayaa xaqiijiyay in uu Alisson Becker Garoomada ka maqnaan doono todobaadyada soo socda sabab la xidhiidha dhaawac kubka ah oo soo gaadhay kulankii Norwich City ee ka dhacay Anfield.

Goolhayaha ayaa lagu qasbay in uu ka boxo ciyaarta dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta xilli ay Liverpool 4/0 marinaysay kulanka.

Klopp ayaana xaqiijiyay in uu filayo in uu Alisson Becker maqnaan doono dhawr todobaad inkasta oo uuna xaqiijin tirada todobaadyada uu maqnaan doono.

“Ma ahan wax fiican, waa dhaawac kubka ah taas oo sida iska cad garoomada ka hor istaagi doonta muddo”ayuu yidhi.

“Ma doonayo in aan sheego wakhtiga uu soo laaban doono laakiin waxa aan hubaa in uuna ciyaari doonin Arbacada sidaas darteed waa in aan sugno oo aan eegno waxa ay qaadan doontaa muddo waxa laga yaabaa dhawr todobaad”.

“Waxa aan haatanba wararka ku maqlayaa muddo 6 todobaad ah laakiin Alisson Becker wali dhaawac ma soo gaadhin xirfadiisa ciyaareed sidaas darteed aan sugno si uu horumar u sameeyo laakiin ma ciyaari doono dhawrka todobaad ee soo socda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here