Kooxda Arsenal ayaa qarka u saaran in ay rikoodhkeeda suuqa kala iibsiga u jabiso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lille ee Nicolas Pepe laakiin u waayi karta kooxda PSG.

Kadib markii ay Napoli ku garaaceen saxiixa xiddiga kooxda Lille-na kala heshiiyeen saxiixa xiddiga, Gunners ayaa ku rajo weyn in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Salaasada Ama Arbacada.

Laakiin kooxda Arsenal ayaa ka wal-walsan soo laba kaclayn ay la timaado kooxda PSG kuwaas oo dhankooda lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga.

Wargayska La Voix du Nord ayaa sheegaya in ay kooxda PSG awood u leedahay in ay Arsenal ka afduubato saxiixa xiddiga inkasta oo uu Pepe ku soo wajahan yahay Magaalada London.

Xiddiga ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 22 gool kooxdiisana ka caawiyay in ay meel fiican kaga dhamaysato horyaalka France.

Kadib ka qayb galkii uu xulka qarankiisa Ivory Coast kala qayb galay koobkii qaarada Africa xiddiga ayaa maanta ku soo laabtay Lille kadib markii la siiyay fasax dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here