Qaar ka mid ah xubiniihii uu dhowaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumada Fedaraalka Soomaaliya u magacaabay u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Xubnaha wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusmareeb ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Axmed Cali Jimcaale.

Xubnaha guddigan gaaray magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa hoggaaminaya Prof; Cabdiraxmaan Macalin Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha sare ee Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiinta,waxaana ka mid ahaa Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dhere oo hore xilal ka duwan dalka ugu soo qabtay dalka.

Waxaa haatan sii xoogeysanaya dadaalada lagu doonayo in lagu qabto shir dib uheshiisiin ah magaalada Dhuusamareeb kadibna ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here