Kooxda chelsea ayaa dhabarka loo saaray guuldaradii ugu horaysay ee intii uu hogaaminayay tababare Frank Lampard kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Kawasaki Frontale kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kooxda tababare Frank Lampard kana dhacay dalka Japan.

Kulanka oo uu markii ugu horaysay ciyaaray saxiixa cusub ee kooxda chelsea ee Christian Pulisic ayay Blues bar-baro gool la,aan ah la gashay kooxda Kawasaki Frontale.

Franka Lampard ayaa ciyaarta ku soo galay laba shaxood isaga oo fursad siiyay dhamaan xiddigii uu kooxda ku haystay marka laga reebo xiddigo seegay kulanka oo aan ciyaarin.

Kooxda Chelsea ayaa ahayd kooxda gacanta saraysa iyaga oo sameeyay fursado cajiib ah oo ay goolal ka dhalin kareen goolal laakiin daafacyada kooxda Kawasaki Frontale ayaa si fiican u difaacatay.

Kooxda Kawasaki Frontale ayaa dhankeeda ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay chelsea goolal kaga dhaliyaan hogaanka ciyaartana ugu qabtaan.

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro aanay labada kooxood wax gool ah kala dhalin.

Qaybtii dambe ayuu Frank Lampard ku soo galay shax ka duwan midii hore iyaga oo sidii Blues u sii waday werarkii ay ku hayeen kooxda Kawasaki Frontale kuna doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Laakiin daqiiqadii 87-aad ayay kooxda Kawasaki Frontale gool kaga yaabsatay chelsea kadib markii uu gool u dhaliyay xiddiga Damiao kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Kawasaki Guuldaro 1/0 ah dusha u saartay kooxda chelsea sidaasna guuldaro u dha-dhansiisay tababare Frank Lampard.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here