Madaxweynaha Dowlad Goblaeedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka guul gaaray Xubnihii Dowladda Soomaaliya ee shalay Gaaray Dhuusamareeb kadib markii uu kabiya diiday kulan shir qool ahaa oo la doonayay in Madaxweyne Xaaf ay layeeshaan

Xubanaha kasocda Dowladda ayaa wada kulamo ay laqadanayeen Xubnaha Ahlusuna kuwaa ay kala hadlayeen sidii Galmudug looga qaban lahaa Doorashadii uu wasiir arimaha gudaha kol hore ku baaqay in laqabto hasa ahaatee Wasiirka Arimaha Gudaha soomaaliya C/maxamed Sabriye ayaa ku hun goobay rajadii uu ka qabay Sheeq Shaaki Iyo Macalin Maxamuud ee ahayd inay ka godo talada Galmudug balse taasi waxa ay noqotay dhada Roob noqon waysay

Wararka ayaa sheegay in iskudayo fara badan oo wasiir Qarafaan uu waday ay kasocon wayeen Dhuusamreeb kadib madaxweyne Xaaf oo si cad udiiday lakulankiisa waxaana muuqata in damicii Dowladda ee ahaa in madaxweyne Xaaf ay hor fariistaan ayaan wali dhicin

Sikastaba Damicii Dowladda ee Dhuusamreeb ayaa umuuqda mid raja beel ah mana jirto ilaa iyo hadda ifa faalo muuqdo oo Xubnaha tagay ay gaareen hayeeshee Madaxweynaha Galmudug ayaa Ceel kudiray isku daygii Wasiirka Arimaha Gudaha soomaaliya ee Dhuusamreeb uu kalahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here