Masuuliyiinta Dowlad gobaleedka Galmudug iyo qaybaha bulshada ayaa dareen damqasha leh kamuujiyay Dilka 9 Ruux oo Xalay lagu dilay duleedka Magaalada Galkacyo Ee Xarunta Gobalka waxaana falkaasi ku dhaawacmay laba ruux oo kale

Taliye kuxigeenka Booliska Galmudug Cabdi jaamac Xabeeb ayaa sheegay in dadka dhintay dhamaan ay kasoo kala jeedeen deegnada maamulada hir-shabeele iyo konfur galbeed ee soomaaliya isla markaana ay sidookale ciidanku wadaan baritaano sidii wa looga qaban lahaa cid walba oo qayb ka ahyd dilalkii xalay kadhacay galkacyo

Duqa Degmada Galkacyo Xirsi yuusuf barre ayaa sheegay in dadka ladilay ay ahayeen kuwa deegaanka dagan muddo dheer isla markaana aan laga hari doonin dadkii ka dambeeyay dilkoda waxa uu sidookale tilmaamay in galkacyo ay kusugan yihiin ciidamda fara badan dilalka dhacayana aan loo dul qaadan doonin

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ayaa dhamaan ahaa dad kasoo jeeda deegnada maamulada hir-shabeele iyo konfur galbeed waxaana dilkaan uu noqonayaa kii labaad oo tobaad gudihiis kadhaca deegnada galmudug ee loo gaysto dad rayid ah oo kasoo kala jeeda qaybo kamid ah goblada koonfureed ee soomaaliya

SAGAAL RUUX OO XALAY LAGU DILAY GALKACYO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here