Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa kusoo waramaya in wasiirka arimaha gudaha soomaaliya iyo xildhibaanada kasoo jeeda galmudug ay caawa leeyihiin kulan looga tashanayo xaaladda galmudug

Kulanka oo hadda kasocda Guriga wasiir sabriye ayaa Xildhibaanada kaqaybgalaya waxaa kamid ah Xildhibaan C/qaybdiid iyo Xildhibaano kale waxaana lagu lafa grayaa sidii xaalka galmudug laga yeeli lahaa

Inkastoo aan xogbadan laga heli karin waxyaabaha sida hoose looga wada hadlayo hadana ila kudhaw dhaw halka uu shirka kasocda ayaa HIRNEWS usheegay go’aano laga soo saaridoon kulanka marka uu soo idlaayo

Wararka qaar ayaa sheegay in la isku mari la yahay hanaanka dowladda ay rabto iyo halka madaxda Galmudug ay taaganyihiin hasa yeeshee maalmo kadib ayaa masuuliyiinta kulanssan waxa ay ubalansan yihiin in safar ay kuyimaadaan Deegaanada Galmudug isla markaana ay kulamo laqaataan masuuliyiinta Galmuudg iyo Qaybaha bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here