Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu ku laabto kooxda Juventus inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Laakiin kooxda Man United ayaa u baahan in ay marka hore iibiso xiddigaha Joao Cancelo, Douglas Costa, Juan Cuadrado, Mario Mandzukic & Mattia Perin si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Xiddiga koobka adduunka kula guulaystay xulka qaranka France ayaan ku faraxsanayn sida ay ula dhaqmeen maamulka, taageerayaasha iyo waliba saxaafada Magaalasa Manchester iyo England.

Xiddiga ayaa si joogto ah u soo booqan jiray magaalada Turin iyada oo uu markii ugu dambeeyay ka qayb galay xafladii macasalaamaynta daafaca Andrea Barzagli oo ciyaaraha ka fadhiistay xagaagan halka uu sidoo kale ka soo qayb galay dabaal degii ay Juventus ugu dabaal degaysay ku guulaysiga horyaalka Serie A-da.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in uu Paul Pogba u ogolaaday in uu ku biiro kooxda Juventus 3 sano kadib markii ay ku iibiyeen 105 milyan oo euro laakiin kooxda ayaa u baahan in ay lacag u uruuriso saxiixiisa.

Furaha arintaas ayaa ah iibinta xiddigo dhawr ah oo kooxda ah kuwaas oo aan ka mid ahayn qorshaha tababaraha Maurizio Sarri ama qaar uu qiimohoodu hoos u dhacay sabab la xidhiidha in ayna kooxda joogto ugu ciyaarin xagaagiin.

Xiddigaha ayuu ka mid ah weeraryahanka Mario Mandzukic kaas oo dhawaan qalinka ku duugay heshiis cusub, Douglas Costa, Cuadrado Iyo Goolhaye Perin.

Cancelo ayaa ah midka ugu suurtagashan ee lacag fiican lagu iibsan doono isaga oo ku dhaw in uu 55 milyan oo euro ugu biiro kooxda Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here