Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah wadahadalo ula furtay kooxda Man United ay kaga doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Marcus Rashord sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa doonaysa weeraryahan cusub in ay ku soo darto kooxdeeda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si uu ula tartamo xiddiga Luis Suarez badalna ugu noqdo mustaqbalka

Wargayska Sport ee ka soo baxa Barcelona ayaa sheegaya in ay kooxda ku guulaystay horyaalka La Liga la xidhiidhay maamulka kooxda Barcelona si ay ugala hadlaan saxiixa da,yarka reer England.

Sirta ka dambaysa rabitaanka Barcelona ee Da,yarka ayaa ah in uu awood u leeyahay in uu ka ciyaaro saddexda boos ee weerarka sida garabaha iyo weerarka tooska ah oo uu uga ciyaara kooxdiisa Man United iyo xulka qarankiisaba

Heshiiska Rashford ayaa dhici doona xagaaga 2020 ilaa haatana heshiis cusub umuu saxiixin kooxda Man United kadib markii ay ka hadhay champions League xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa sii raaciyay in ay Man United da,yarka ku qiimayso lacag ku dhaw 100 milyan oo euro laakiin ay Barcelona lacag intaas ka yar ku heli karto hadii ay dhab ka tahay doonistiisu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here