Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Advertisement

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Atletico Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka Gudbiso xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyaga oo Man United u soo bandhigi doona xiddiga Antoine Griezmann si ay u helaan adeegiisa xagaagan (Sky Italia).

Kooxda Man United ayaa Inter Milan ka diiday dalab ay ku doonaysay in ay Romelu Lukaku ugu badasho xiddiga Ivan Perisic xagaagan (Gazzetta dello Sport).

Dhanka kale kooxda Napoli ayaa diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah miiska u saarto Man United si ay u hesho saxiixa Xiddiga Romelu Lukaku (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Lyon ayaa beenisay wararka sheegaya in ay Real Madrid kala heshiisay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ferland Mendy (various).

Kooxda Man City ayaa diiday dalab 15 milyan oo euro ah oo ay Inter Milan ka gudbisay daafaca Danilo iyaga oo u sheegay in ay miiska saaraan 25 Milyan oo euro (Corriere dello Sport).

Christian Eriksen ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Tottenham si uu tartan cusub u ciyaaro xilli ciyaareedka dambe (Ekstra Bladet).

Kooxda Bayern Munich ayaa xiddiga Leroy Sane u sheegtay in uu warqada bixitaanka u gudbiyo Man City si ay u dhamaystiraan adeegiisa xagaagan (SportBild).

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay hesho saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Alberto Moreno kaas oo la xaqiijiyay in uu si xor ah uga tagi doono kooxda Liverpool (TEAMtalk).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Neymar halkii ay u dhaqaaqi lahaayeen Antoine Griezmann (Express).

Goolhayaha kooxda chelsea ee Kepa Arrizabalaga ayaa xaqiijiyay in uu Eden Hazard ku biiri doono kooxda Real Madrid xagaagan (Express).

Philippe Coutinho ayaa iska diidi doona in uu ku biiro kooxda Man United sabab la xidhiidha xafiiltankooda Liverpool iyo in ayna champions League ciyaari doonin xilli ciyaareedka dambe (Sport).

Daafaca lala xiriirinayo kooxda Arsenal ee Samuel Umtiti ayaa iska diiday Gunners isaga oo Barcelona u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Barcelona (Marca).

Tababare Maurizio Sarri ayaa doonaya in uu Horay u sii qaato Gonzalo Higuain hadii uu noqd tababaraha cusub ee kooxda Juventus (Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Inter Milan (Sun).

Daafaca Kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa kooxdiisa Liverpool u sheegay in uu doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda (Sun).

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa isku dayaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly (Le Parisien).

Kooxda Inter Milan ayaa iska diiday fursad ay kula saxiixan karto daafaca kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny kadib markii ay Arsenal u soo bandhigtay (Sky Sport Italia).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here