Madaxweynha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducale Geelle Xaaf ayaa Agaasimaha Ladagaalanka Argagixisada umagacaabay Wariye Daahir Cabdulla Calasoow oo ah Saxafi Rug Cadaa ah Isla markaana muddo kasoo shaqeeyay qaybaha warbaahinta soomaalida

Magacaabista Daahir Calasoow ayaa waxaa soo dhaweeyay qaybaha bulshada Galmudug kuwaa oo u’arka Daahir inuu yahay qabiir ku xeel dheer baarista falalka laxiriira Argagixisada waana sababta uu Madaxweyne Xaaf ugu magacaabay Agaasimaha Hay’adda Ladagaalanka Argagixisada

Hay’adda Ladagaalanka Argagixisada kama jirin Galmudug hasa ahaatee waa markii ugu horaysay ee Lamagacaabo waxaana Agaasimaha Cusub looga fadhiyaa dhisidda Hay’adda oo ah Hay’ad muhiim ah isla markaana wax badan ka qabato falalka laxiriira Argagixisada

Inkastoo Degaanada Galmudug qaarkood ay gacanta kuhayaan Kooxda Al-shabaab hadana Hay’adda Lagaalanka Argagixisada ayaa dadka ay raja kaqabaan xorayta deeganaadaasi iyo in dhaqan celin loo sameeyo dhalinyarada laga keeno kooxda Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here