Arsenal ayaa isku dayaysa in United ay ka hor istaagaan saxiixa qadka dhexe kooxda PSG ee Adrien Rabiot.

Wiilkaas reer Fracne ayaa aad loogu badinayaa in xagaagaan uu ka tagayo PSG ka dib markii uu diiday in hishiis cusub u saxiixo PSG

Xariirka kala dhaxeeya tababaraha kooxdaas ayaa sii xumaaday xilli laacibka uusan wax kullan ah safan tan iyo bishii December waxa uuna ku barafoobay kursiga badelka

United ayaa horay loola xariirnayay saxiixa laacibkaas balse Daily Star ayaa sheegeysa in Arsenal si dhab ah u doonayaan 24 sano jirkaas

Arsenal ayaa u aragta laacibkaas mid ku haboon shaxdooda waxa ayna qeyb kaga keeni karaan miisaaniyadda suuqa xagaaga Arsenal ee 40-ka milyan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here