Arsenal ayaa indho indho indheeyaal u direysa Talayaniga waxa ayna isha klu hayaan labada xiddig oo ay ka baadi goobayaan suuqa xagaaga .

Kulanka Sampdoria iyo Juventus ee axadda ayay indho indheyaasha Arsenal daawanayaan iyaga si gaar ah u eegay labada xiddig ee Sampdoria ee kala ah Joachim Andersen iyo Dennis Praet

Wargeyska Gazette dello Sport ayaa xusaya in Arsenal ay loolan adag kala kulmayaan kooxda Tottenham oo si weyn u dooneysa Joachim Andersen

Labada xiddig ee ay Arsenal xiiseyneyso ayaa ka ciyaara boosaska daafaca iyo qadka dhexe, lamana helin qiiimaha Arsenal ku doonayaan iyo in ay si fog u doonayaan saxiixa labadaas laacib

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Arsenal u diyaar garoobayaan finalka Europa League oo ay 29-ka bishaan la ciyaarayaan Chelsea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here