Ciidamda Amniga Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa ku guulaystay qabashada Nin Lasheegay inuu doonayay Inuu isku Qarxiyo Goob ay kasoctay Xaflad lagu maamuusayay Ciidamda Ahlusuna Kaga dhintay Dagaaladi ay lagaleen Kooxda Al-shabaab

Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in Gacanta lagu hayo Nin Katirsan Kooxda Al-shabaab kaasi oo doonay inuu isku miidaamiyo Fagaaro ay kusugnaayeen Masuuliyiinta ugu saraysa Ahlusuna iyo Bulshada fara badan kuwaa oo ka qayb galayay Munaasibad kadhacaysay Degmada Guriceel Ee Gobalka Gal-gaduud

Ciidamda Amniga Galmudu ayaa sidookale Gacanta kudhigay Nin lasheegay inuu ahaa qofkii hagayay weerarkii fashilmay ee maanta la la damacsanaa Masuuliyiin ka qaybgalaysay Xaflad kadhacaysay Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here