Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan iskahorimaad hubeysan oo gelinkii dambe oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor-imaadka uu u dhexeeyay ciidamada amaanka Jubaland iyo ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenkii hore ee Jubaland, haddana ka mid ah musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Jubaland.

Ciidamo bastoolado ku hubaysnaa ayaa gudaha u galay garoonka si ay u soo dhaweeyaan Cabdinaasir Seeraar oo ka yimid magaalada Muqdisho, iyadoo kadibna ciidamada ammaanka Garoonka oo doonayay inay baaraan boorsooyinka Cabdinaasir Seerar Maax ay iska caabin kala kulmeen Ciidamadiisa.

Dadka ku dhaawacmay iska horimaadka ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka magaalada Kismaayo, ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay isku horimaadkaasi.

Isku horimaadkan ayaa imaanaya xili magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad ka dhalatay qaabka loo marayo soo xulista xildhibaanada cusub.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka cusub kamid noqonaya ay ka soo dhex saari doonaan saddex ruux oo ay u soo gudbinayaan oday dhaqameedyada, hase yeeshee oday dhaqameedyada iyo musharaxiinta u tartamaysa doorashada ee ka soo horjeeda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka soo horjeestey qorshahan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here