Ajax ayaa nasiinada ugu dirtay Tottenham laba gool oo nadiif ah xilli kulankaan ahaa lugta labaad ee wareegga semi finalka Champion-ka .

Tottenham ayaa ciyaarta ku biloowday qaab taxadar leh halka Ajax ay ahaayeen kuwo dar dar leh oo kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen .

Tottenham durba biloowgii gool ayaa lagu helay waxaana madaxa ku dhaliyay Matthijs de Ligt daqiiqaddii 5-aad waxaana muuqatay in daafaca Tottenham ay ilaaladdii ka iloowbeen laacibkaas kaasi oo madaxa ku dhaliyay goosha .

Ka dib goolkaas Tottenham waa ku adkeyd in si sax ah ay kubadda horay ugu soo jiidaan iyadoo kullamaa ay kubadda helaan ee ay dhaqaajiyeen waa la soo celinayay .

Ajax waxaa ka muuqatay kalsooni dheeraad ah waxa ayna kubadooda aheyd weerar oo dagaal ayay ugu jireen gool labaad kaasi oo ugu dambeyn yimid daqiiqaddii 35-aad waxaana saxiixay Hakim Ziyech xilli goolkaan isna uu ka muuqday qalad dhanka daafaca ah .

Guud ahaan marka la eego hanaan ciyaareedka labada koox ee qeybtaas hore waxaa cadaadis badneyd Ajax oo waliba goolal kale ku sigeysay Tottenham .

Biloowga qeybta labaad , Tottenham kubad iyaga ayaa ku badnaa waliba baasas wacan ayay dhisayeen xilli kubadana ay ku qajafeynayeen goosha Tootenham .

Ajax waxa ay u muuqdeen kuwo difaac galaya waxa ayna Tottenham dadaalkooda ku keeneen gool uu dhaliyay Lucas Moura daqiiqaddii 55-aad.

Tottenham weerar aan kala joogsi laheyn ayay ciyaarayeen waxaana daqiiqaddii 57-aad kubad gool aheyd ka bad baadiyay goolhayaha Ajax balse isla kubadaas ayay ku keeneen gool waxaana saxiixay mar kale Lucas Moura daqiiqaddii 59-aad.

Ka dib goolkaas Ajax waxa ay bilaabeen in ay soo weerar tagaan waa ayna ku dhiiranayeen in goosha Tottenham soo gaaraan , waxa ayna ciyaarta u muuqatay in labada koox laga filan karo goolal .

Inkastoo Tottenham kubad haysashada ku badneyd ayna gaarayeen mararka qaar heer dhan %57 hadana Ajax kubad waliba oo ay la tagaan goosha Tottenham halis ayay aheyd .

Tottenham cadaadis ayay saareen Ajax dhamaadkii waa ayna mudnaayeen in ay helaan gool-ka seexaad halka kooxda reer Jarmal ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah. waxa ayna heerka kubad haysashada Tottenham gaartay heer dhan  57%.

Si waliba oo ay ahaato una weerar tageen Tottenham waa laga filan karay gool sedexaad kaasi oo ugu dambeyn yimid  waqtigii dheeriga ciyaarta waxaana saxixiay Lucas Moura oo sedexeystay . waxa ayan Tottenham sidaas ugu gudbeen finalka Champiopn-ka oo ay bisha June wada ciyaarayaan Liverpool. guud ahaan natiijada waa 3/3 balse Tottenham ayaa  soo baxday maadaama sedex  gool ku dhaliyeen garoonka Ajax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here