Kooxda Chelsea ayaa bar-baro kala soo laabatay Germany kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-finalka tartanka Europa League iyaga oo bar-baro ku dhaafi waayay kooxda Eintracht Frankfurt Kulan ka dhacay garoonka Commerzbank Arena.

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa Ciyaarta ku bilaabatay qaab cajiib ah iyaga oo Chelsea ku qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay kaga doonayeen in ay goolla kaga dhaliyaan.

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa daqiiqadii 23-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luka Jovic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Blues ayaa wixii intaas ka dambeeyay la wareegtay maamulista ciyaarta xilli ay kooxda Eintracht Frankfurt qaadayeen weeraro rogaal celis ah inta badana daafac ku jireen.

Daqiiqadii 45-aad ayay Chelsea dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Pedro Rodriguez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay Chelsea dib ugu soo laabatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-bar min hal gool ah sidaasna ku aadeen qolka Nasashada si ay ugu soo tashadaan qaybta dambe.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Chelsea soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo aka awood badnaa kooxda reer Germany.

Laakiin Blues ayaan wax gool ah u badalin fursadihii ay heshay iyaga oo kooxda reer Germany lafteedu iska khasaarisay fursado fiican.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Eintracht Frankfurt iyada oo lagu kala bixi doono garoonka Stamford Bridge todobaadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here