Kooxda Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Valencia kulan ka dhacay garoonka Emirates kana tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-finalka tartanka Europa League.

Kooxda Valencia ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Arsenal ku qaadayay weeraro deg-deg ah oo halis ah oo ay doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan Arsenal.

Daqiiqadii 11-aad ayay Valencia ka midho dhalisay fursadihii ay helaysay iyada oo dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Mouctar Diakhaby kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Goolkaas ayaa Arsenal hurdada ka kiciyay iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay doonayeen in ay ciyaarta ugu soo laabtaan uguan dhaliyaan goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 18-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Alexandre Lacazette kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Gunners ayaan halkaas ku joogsan waxa ay sii wadeen dadaalkii ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal kale iyaga oo Valencia kala wareegay maamulka Ciyaarta kana qaab ciyaareed fiicnaa.

Wiilasha Emery ayaa daqiiqadii 26-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay isla xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Arsenal kana dhigay ciyaarta 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso waliba si cajiib ah uga jawaabtay goolkii looga naxsaday soona bandhigtay fal celin cajiib ah.

Qaybtii dambe ayay labada kooxood sameeyeen fursado aad u badan gaar ahaan kooxda Arsenal ciqaabtay kooxda Valencia laakiin ku fashilantay in ay wax goolal ah dhaliso.

Dhankeeda Valencia ayaa samaysay fursado goos-Goos ah oo ay ku doonaysay in ay goolal ku dhaliso laakiin waxa u suurgali wayday in ay wax gool ah dhaliyaan.

Daqiiqadii 90-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Gunners ku hogaaminayso kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Valenca hal lugna la sii gashay Finalka Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here