Barcelona ayaa hal lug si weyn ula gashau finalka Champion-ka ka dib markii Liverpool sedex gool ugu awood sheegteen kulan ka dhacay qalcadda Camp Nou

Sheekada Ciyaarta : Barcelona ayaa Liverpool nasiinada ugu dirtay hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid daqiiqaddii 26-aad waxaana saxiixay Suarez ka dib qalad dhanka daafaca ah .

Ka hor goolkaas ciyaarta ayaa aheyd mid dar dar leh waliba Livwerpol kubad habeysan ayay soo bandhigayeen balse halis gilin muuqata ma jirrin .

Liverpool waxaa daqiiqadii 25-aad ka dhaawacmay Keita kaasi oo lagu badalay Henderson , waxaana goolkaas Suarez ka muuqday qalad daafaca ah oo ilaaladii ay ka hayen ayay iloobeen oo sedex daafac ayuu ka dhuuntay ka dib kubad uu soo qajafeeyay Jordi Alba .

Salah ayaa dadaal gaar ah waday balse daafaca Barca waa ay foojignaayeen waxaana Liverpool daqiiqaddii 34-aad gool xaqiiq ah ka qasaariayy Mane kaasi oo kubad kor mariyay birta shabaqa Barca xilli kaliya uu hor taagnaa goolhayaha.

Liverpool waxa ay ku wacnaayeen cadaadiska waxa ayna soo badhigeen kubad qurxoon xilli Barca u diideen in kubadda ay cagtooda ay ku daahdo oo raacsho ayay ku dileen kaliya waxaa ka maqnaa abuurista fursadaha , waxaana dhanka Barca qeybtaas kacsanaa Jordi Alba

Biloowgii qeybta labaad , Liverpool ayaa halis aheyd waana laga filan karay goolka bar bar dhaca xilli daafaca kooxdaas ay si weyn xoojinayaan qadka dhexe waxaana dhanka Barac foojignaa goolhaye Marc-Andre ter Stegen.

Liverpool waxa ay ciyaareysay kubad deg degsiimo leh waxa hanaank ciyaarta guud ahaan laga filan karay gool labada dhinac ah xilli Barca ku tiirsanaayeen kudabadaha rogaal celiska ah ah xilli Salah daqiiadii 60-aad uusan ka faa`ideysan fursad aad u weyneyd

Barcelona waxaa ka muuqatay dib u gurasho oo Liverpool ayaa duullaan aheyd waxa ayna Barca daqiiqaddii 62-aad soo giliyeen Semedo oo loo badalay Coutinho xilli markii ugu horeeysay ee Barca u dhawaadaan shabaqa Liverpool waxa ay aheyd daqiiqaddii 65-aad

Xilli Barca qeybihii dhamaadk xigeenka ay bilaabeen in ay soo dhaqaaqaan hadana Liverpool iyaga aya kubadda ku badnaa waliab cadaadis waday balse waxaa ka maqnaa in sax ah ay shabaqa Barca u tagaan xilli daafac Barac ay dadaal gooni ah wadeen

Rajadii Liverpool waa dhimatay ka dib kubad rogaal celis aheyd ayuu Messi ku sameyay ciyaartooyda Liverpool waxaana helay Suarez oo ay birta kaga dhacday balse Messi ayaa shabaqa dhigay kubaddaas soo laabatay daqiiqaddii 75-aad . waxaase xusid mudan in qeybtaan labaad ay iska haysatay Liverpool

Liverpool oo la soo daahday badelka Firminio ayay xiddigaas soo giliyeen daqiiqaddii 79-aad iyadoo loo badalay Wijnaldum , waxaana xusida mudan in Liverpool aheyd dhanka kubadda haystay balse iyaga ayaana u nuglaa gool

Sheekada Messi ayaa soo afjary , gool sedexaad oo cajiib ah oo Free Kick ahaa ayuu ka dhaliyay daqiiqaddii 82-aad , waxa uuna saaxirka kuabdda ee messi daqiiqadii 90-aad qasaariyay fusrad kale oo xaqiiq aheyd waxa ayna ciyaarat ku dhamaatay sedex gool oo nadiif ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here