Kooxda Mucjisada ah tartanka champions League xilli ciyaareedkan ee Ajax ayaa garaacday kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-finalka tartanka champions League kulan ka dhacay garoonka Spurs.

Kulanka ayaa ku bilowday si dagan oo ayna labada kooxoodba isku qaadayn weeraro la taaban karo iyaga oo is ilaalin ku bilowday ciyarta si aan goolal wakhti hore ah looga dhalin.

Kooxda Ajax ayaa daqiiqadii 15-aad Tottenham kaga naxsatay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Donny van de Beek kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Kooxda Tottenham ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin waxa ay la kulantay daafac adag oo ay dhigteen kooxda Ajax kuwaas oo doonayay in ay ilaashadaan goolkaas.

Ajax ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay doonayeen in ay Tottenham kaga dhaliyaan goolal kale iyaga oo ka qaab ciyaareed fiicnaaday wixii intaas ka dambeeyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Ajax 1/0 ku hogaaminayso ciyaarta waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo ay kaga gacan saraysay kooxda Tottenham.

Qaybtii dambe ee ciyaarta Ayay Tottenham maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatoodeen in ay abuuraan fursad gool laga dhalin karo iyaga oo kubadooda lagu dilayay daafaca.

Ajax ayaa ku dhawaatay dhawr jeer in ay Tottenham ka dhaliso gool kale laakiin Nasiibka ayaa ka caawin waayay in ay gool u badalaan fursadihii ay ka helayaan ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Ajax sidaas uga badisay Tottenham hal lugna la sii gadhay Finalka champions League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here