Man United iyo Chelsea ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xilli labadaan koox ay dareensanaayeen muhiimadda ay leedahay natiijo wanaagsan oo kulankaan uga baxaan .

Biloowgii guud ahaan United ayaa kubadda haysatay xilli 20-ka daqiiqo ee ugu horeeyay qeybtaas Chelsea ay dib u gurasho ku jireen halka United ay soo bandhuigayeen kubad aad u qurxoon .

Daqiiqaddii 11-aad ayay heleen United gool si weyn looga soo shaqeeyay waxaana ugu dambeyn dhaliyy Juan Mata daqiiqaddii 11-aad xilli United ay mudnaayeen goolkaas

Chelsea qeybihii dhexe waa ay soo wacnaadeen waa ayna weerar tagayeen balse guud ahaan United qeybatas hore waxa ay soo bandhigeen hanaan ciyaareed aad u qurxoon.

Xilli ay ciyaarta u muuqatay mid lagu nasanayo halkaas gool ayaa qalad uu sameeyay goolhaye De Gea ee ay ku wehliyeen daafaca waxaa ku yimid goolka bar bar dhaca ka dib kubad uu dhexda ka toogtay Rudiger ayuu goolhaye De Gea soo celiyay balse waxa meel cidlo ah ka helay Marcos Alonso waxaana muuqday qalad weyn oo dhanka daafaca ah .

Biloowgii soo laabashada, United ayaa kubadda ku badneyd waliba weerar aheyd balse Chelsea waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaalka celiska ah oo deg deg ahaa .

Hazard ayaa dagaal waday waa uuna gaarayay goosha United balse De Gea ayaa foojignaa waxa ayna ciyaarta noqotay mid deg degsiimo leh oo waa u furneyd labada koox

Chelsea waxa ay daqiiqaddii 65-aad ay saareen Antonio Rudiger kaasi oo dhaawacmay waxaana lagu soo badalay Andreas Christensenxilli ciyaarta ay aheyd mid laga filan karay gooalal maadaama labada kox ay ciyaareen kubad dar dar leh .

United daqiiqadii 66-aad waxa ay soo giliyeen Sanchez oo loo badalay Rashord kaasi oo xoogaa yar lutinayay waxaana United ka dhaawacmay Eric Baily kaasi oo muddo dhulka jiifay ka dib markii ay is buurteen Alonso waxaana daqiiqaddii 70-aad la soo giliyay Marcos Rojo

Dahaamdkii waxa ay ciyaarta aheyd mid hakadkeeda uu badnaa iskuna jacbursan inkastoo United isku dayayeen in ay kubadda dadajiyaan waxana Cheslea dhaawac uga abxay William xilli daqiiqaddii 84-aad lagu badalay Pedro

Ka dib 7 daqiiqo oo waqtiga dheeriga lagu daray ciyaarta dar dar waalan ayay yeelatay waxaana laga diiday gool uu dhaliyay Lukaku sababo la xariira offisde , waxa ayna dhamadkii labada kox mudnaayen guul balse waxaa lagu hishiiyay bar bar dhac min hal gool ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here