Madaxweynaha Galmudug State Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta la kulmay safiirka dawladda Jarmalka u fadhiya Soomaliya Ms. Annett Gunther, waxayna aad uga hadleen marxaladda dalka Soomaliya guud ahaan, gaar ahaana xaaladda Galmudug.

Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyey dawladda jarmalka hawsha adag ay ka wadaan Somalia gaar ahaanna kuwa ay ka wadaan Deegaanada Galmudug. Wuxuuna u bandhigay baahiyaha ka jira Galmudug loona baahan yahay in dawladda jarmalka gacan ka geysato

Safiirka Dalka Jarmalka ayaa sheegatay inay diyaar utahay wax kaqabashada xaaladaha kajira deeganada Galmudug isla markaana ay Gacanka gaysato dhismaha Ciidmada Booliska Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here