Kooxda Man City ayaa guul ay ku rafaaday ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 35-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Etihad.

Gool uu daqiiqadii 5-aad dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo Citizen kaga filnaa in ay gaadhaan guul qaali ah oo saddex dhibcood gacanta u galiyay tartanka ay ugu jiraan difaacashada horyaalka premier League.

Kadib guushaas ay Man City ka gaadhay kooxda Tottenham, Man City ayaa boodhka ka jafatay ama bar-baraysay rikoodh ay kooxda Man United ka dhigtay horyaalka premier League.

Guushii ay Man City ka gaadhay Tottenham ayaa la macno ah in ay gaadhay guusheedii 25-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kulamada ay ku ciyaartay garoonka Premier League.

Kooxda Man City ayaa guul gaadhay 25 kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay xilli ciyaareed kaliya iyada oo bar-baraysay rikoodh ay Man United ka dhigtay Premier League xilli ciyaareedkii 2010-2011 markaas oo ay gaadhay 26 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here