Saynab C/wahaab Xareed waa hooyada dhashay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar oo aan qaan gaarin taasi oo bishii labaad kufsi iyo dil loogu gaystay galkacyo kadib markii maalin iyo habeen ay ehelkeeda ay waayeen balse meel aan ka fogayn gurigooda lasoo dhigay iyada oo mayd ah

Saynab C/wahaab iyo qaar kamid ah ehalada caa’isha ilyaas oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay walaac kamuujiyeen sida loo wajahay dilkii caa’isha yar iyaga oo sheegay in baarista falkii caa’isha su’ala la xiriira xilligaan loogu yimid

Hoya Saynab oo warbaahinta lahadashay iyada oo murugaysan ayaa sheegtay in xubna kasocda ciidanka booliska puntland ee baarita danbiyada ay hoygeeda ugu tageen isla markaana ay waydiiyeen su’aalo kusaabsan sidii uu udhacay dilkii Gbadheeda

Qaar kamid ah ehelada oo iyana qiiraysnaa ayaa warbaahinta lawadaagay saluuga ay kaqabaan sida loo wajahay baarista dhacdadii caa’isha

Qaar kamid ah Ehlada Caa’isha Ilyaas Oo kawalacsan Baarista Kufsigi Iyo Dilkii Caa’isha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here