Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay shaqada ka caydhiso tababare Maurizio Sarri kadib guuldaradii Blues ka soo gaadhay kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa horyaalka premer league.

Chelsea ayaa maurizio Sarri ku badashay Antonio Conte bilowgii xilli ciyaareedkan kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Antonio Conte dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Mustaqbalka tababaraha reer Italy ayuu shaki weyn ku jiraa kadib qaab ciyaareed Liita oo ay soo bandhigtay kooxda Chelsea xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ay kooxdu natiijooyin fiican helaysay kulamadii ugu dambeeyay hadana natiijadii ugu dambaysay ee ka soo gaadhay kooxda Liverpool ayaa shaki kale ku sii abuurtay mustaqbalka tababaraha.

Wargayska Dialy Recardo ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea ka fikirayso in ay sarri ku badasho tababaraha kooxda Watford ee Javi García kaas oo kooxdiisa geeyay Finalka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Chelse ayaa ku dhibaatoonaysa in ay soo bandhigto qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo khatar ugu jira in ay u soo bixi waayaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Maamulka Blues ayaa la dhacsan shaqada tababare Javi García iyaga oo u arka tababare dib u soo celin kara Chelsea marka loo eego in uu fursad siiyo xiddigaha da,ayrka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here