Arsenal ayaa nasinada ugu dirtay Watford hal gool oo nadiif ah kaasi oo uu qaladkiisa lahaa goolhayaha kooxda martida loo ahaa .

Biloowgii dar dar iyo qaab wacan ayay labada koox ku bilaabeen waa ayna is weerarayeen inkastoo Arasal kubadda ku baneyd.

Arsenal daqiiqaddii 10-aad waxa ay heleen gool uu saxiixay Pierre-Emerick Aubameyang kaasi oo goolhayaha Watford kubadda ay daafaca u baaseen ku taakeeyay .

Nasiib darro , Watford daqiiqaddii 11-aad kaarka cas waxaa laga siiyay Troy Deeney ka dib markii uu xusuleeyay xiddig Arsemal ah balse sida muuqatay waxa kaliya uu mudnaa kaarka digniinta maadaama ay wada ordayeen labadad laacib ,

Ka dib dhacdadaas Arsenal ayaa kubadda ku badneyd xilli mararka qaar ay ciyaarta aheyd mid iska dhex dhexdaad u ah labada dhinac .

Daqiiqadii 25-aad Watford rigoore ay lahaayeen ayaan loo dhigin ka dib markii goolhayaha Arsenal uu si cad uu kala tuuray xiddig ka soo horjeeday

Guud ahaan , Watford niyad jab kama aysan qaadin kaarkaas cas waxa ayna isku dayayeen in ay kubadda la qeybsadaan Arsenal

Qeybta labaad , Arsenal dhowr jeer ayay ku sigteen gool labaad nasiibka iyo goolhayaha ayaa u diidanaa waxa ayan watford ku tiirsanayaen kubadaha rogaal celiska ah .

Watford isku dayo kala duwan ayay sameynayeen mararka qaarna waa laga filan karay gool xilli daqiiqaddii 62-aad kubad gool cajiib ah noqon laheyd ay kaga dhacday birta ,

Arsenal waxa ay dagaal ugu jireen gool labaad balse daafac adag ayaa hor taagnaa xilli Watford ay ciyaarayeen kubad kalsooni leh waliba shabaqa Arsenal waa ay sigayeen .

Arsenal dhamaadkii cadaadis ayay saareen kooxda ay martida u ahaayeen waxa ayna ku siganayeen gool balse waxa ay ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee cariiriga ahaa ee ay guusha ku raacday Arsenal .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here