Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan, ayaa maanta ka codsaday xildhibaannada in aysan hadda wixii ka dambeeya sameyn fowdo, sida uu hadalka u dhigay, si uusan u xumaan ama u istaagin Kulanka Golaha.

Waxaa uu sheegay in sababtii  keentay in uu fashilmo Kulankii Golaha ee Sabtidii hore la xaliyey.

Guddoomiye Mursal waxa uu sheegay in ay sameeyeen Guddi 5 Xubnood ka kooban oo, sida uu sheegay, u xilsaaran saxaafadda tabineysa Kulamada Golaha. Taas ayaa muujineysa inuu goluhu wax-ka-beddel ku sameeyey siduu ula macaamili jiray warbaahinta, waana natiijo ka dhalatay isku-mari-waagii xildhibaannada ee kulankii Sabtidii hore ee ku qotomay iney Saxaafaddu tabiso iyo ineysan tabin Kulanka Golaha ee looga doodayo amaanka dalka.

“Guddigu waxay go’aamiyeen in saxaafadda loo sameeyo aqoonsiyo, si loo kala aqoonsado Shaqaalaha Baarlamaanka iyo Saxaafadda” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Waxaa uu sheegay in kulan, aan caadi ahayn, oo uu goluhu isugu imaan doono berri ay ku hor imaan doonaan Masuuliyiinta Laamaha Amniga. Laakiin, kulankaas saxaafadda loogama yeeri doono, sida uu Guddoomiyaha Golaha Shacabku sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here