Kooxda SPAL ayaa Juventus ka hor istaagtay fursad ay maanta ugu guulaysan lahayd horyaalka Serie A-da kadib guuldaro ay dhabarka u saartay kulan ka tirsanaa todobaadkii 32-aad ee horyaalka Serie A-da.

Tababare Allegri ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa isaga oo xiddigaha ugu fiican kooxda ka reebay Liiska isaga oo ku ciyaaray shaxda xiddigaha aan sida joogtada ah ugu ciyaarin kooxda.

Juventus ayaa daqiiqadii 30-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka wacdaraha dhigaya ee Moise Kean kaas oo hoagaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda SPAL ayaan dhankeeda qaybtii hore soo bandhigin qaab ciyaareed fiican iyaga oo kaliya difaacasho goolkooda ah ku jiray weeraro goos-goos ahna ku qaadayay Juventus.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Kooxda Juventus 1/0 ku hogaaminayso waliba dhalin kartay goolal intaas ka badan marka loo eego fursadihii ay sameeyeen.

Qaybtii dambe ayay kooxda SPAL la soo baxday qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo Juventus ku qaadayay weeraro waali ah oo ay ku doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan.

Daqiiqadii 49-aad ayay SPAL dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta ahna goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kevin Bonifazi kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1.

SPAL ayaa daqiiqadii 74-aad mar kale dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Sergio Floccari kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay SPAL ka gaadhay guul kooxda Juventus dibna u dhigtay ku guulaysiga Juventus ee Horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here