Kulan ka tirsanaa todobaadkii 32-aad ee horyaalka La Liga ayay kooxda Huesca Bar-Baro niyad jab leh ku qabatay hogaamiyayaasha Horyaalka La Liga kadib markii ay ciyaartu ku dhamaatay bar-baro goolal la,aan ah.

Kulanka ayuu tababare Ernesto Valverde sameeyay is badal aad u weyn isaga oo Nasiyay xiddigo badan oo kooxda muhiim ah halka qaar kale ganaax ku seegeen kulanka.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda Barcelona maamulaysay kulanka iyaga xiddigaha kaydka iyo waliba xiddigo da,yar ah oo uu tababare Valverde ku nasiyay xiddigaha waaweyn muujiyeen tayadooda iyo waliba kalsoonidii uu tababaruhu siiyay.

Kooxda Huesca ayaa si fiican u difaacday iyaga oo hor istaagay fursad kasta oo ay kooxd Barcelona ku doonaysay in ay ku dhaliyaan goolka furitaanka si ay hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid aad u caajis ah iyada oo ayna labada kooxood midkoodna samayn fursado waaweyn iyada oo labada kooxoodba u muuqdeen qaar doonaya in ay sidaas ku dhamaystaan ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la,aan ah iyada oo kooxda Barcelona gaadhay dhibicdii 74-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here