Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska 19-ka xiddig ee uu kaga hor tagi doono kooxda Eibar kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Santiago Bernabue.

Liiska ayay ka maqan yihiin xiddigaha kala Coutois, Carbajal, Marcelo, Ramos kuwaas oo kulanak ku seegi doona sababo kala duwan oo ganaax iyo dhaawacyo ah.

Dhanka kale waxa Liiska ku soo laabtay xiddiga Nacho oo ganaax ku seegay kulankii Valencia isaga oo isku diyaarinaya in uu ku bilowdo shaxda kooxda Real Madrid ee kulanka Eibar.

Tababaraha ayaa soo xushay Liis ay ku jiraan goolhayaha da,yarka ah ee Maha iyo waliba xiddigaha da,yarka ah ee Brahim, Valverde iyo Reguilon kaas oo ku bilaaban doono booska Marcelo oo ganaax ku seegaya.:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here