Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah wadahadalo ula furtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee N’Golo Kante sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Pep Guardiola ayaa suuqa ugu jira badalka wakhtiga fog ee Fernandinho oo 34 jir noqon doona bisha dambe waxana ay diyaarsadeen liiska xiddigo badan oo ay doonayaan in ay badalkiisa ka dhigtaan.

Kante ayaa dhanka kale ka mid noqday xiddigaha ugu fiican booskiisa isaga oo laba kooxood oo kala duwan kula guulaystay horyaalka premier League laab xilli ciyaareed oo isku xiga halka uu sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysigii xulka France ee koobkii adduunka.

Laakiin Kante ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay qaab ciyaareed aan fiicnayn iyada oo uu sabab u yahay Maurizio Sarri oo aan ka ciyaarsiin booskiisa saxda ah isaga oo booskiisa u baneeyay xiddiga Jorginho oo Sarri ka soo raacay Napoli xagaagii.

Sida laga soo xigtay Goal.com Man City ayaa la socotay xaalada xiddiga khadka dhexe iyaga oo waydiistay in uu war galiyo hadii uuna ku faraxsanayn kooxda chelsea.

Haatan wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay kooxda Man City si toos ah wadahadalo ula qaadatay wakiilka xiddiga iyaga oo ku rajo weyn in ay helaan saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee rajada Man City ayaa ku xidhan racfaan ka qaadashada Blues ee ganaaxii laga saaray labada suuq kadib markii ay jabisay xeer u yaala da,yarka suuqa kala iibsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here