Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona Camp Nou.

Xiddiga reer France ee Demebele ayaa ugu horeeya Xiddigaha ka maqan Liiska uu soo saaray tababare Valverde isaga oo aan ka soo kabsan dhaawacii uu qabay wakhtigii ugu dambeeyay.

Sidoo kale waxa Liiska ku soo baxay xiddigihii kayka fadhiyay kulankii Villarreal ee horyaalka La Liga ee todobaadkii hore ee ay ka mid yihiin Pique iyo Lionel Messi.

Tababaraha ayaa sidoo kale Liiska ku soo daray goolhayaha 2-aad ee Jasper Cillessen kaas oo ka soo kabsaday dhaawac uu ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Barcelona

.

Halkan Hose Kaga Bogo Liiska uu tababaruhu su soo xushay kulanka weyn ee Atletico Madrid:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here