Kooxda Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan isku qortay taariikhda horyaalka premier League kadib markii ay noqdeen kooxda ugu Halisan Abid Premeir League ee goolka Hortiisa.

Sida lagu helay xogta Arsenal ayaa xitaa ka gool badalis badan kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City marka laga hadlayo fursadaha loo badalay goolasha horyaalka premier League.

Xilli ciyaareedkan Arsenal ayaa 23.1% u badashay gool laadadkii ay ku laageen goolka kooxaha kale iyaga oo ka horeeya kooxda hogaanka u haysa premier League ee Man City oo iyadu leh 20.7%.

Kooxda Arsenal ayaa rikoodhkaas cajiibka ah ee ay isugu qoreen taariikhda premier League uga mahad celinaya xiddigaha weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette.

Gunners ayaa dhalisay 65 gool 281 laad oo ay ku laagtay goolka kooxaha kale, Halka Man City ku jirto 2-aad iyo 3-aad kooxaha ugu halista badan goolka hortooda iyada oo xilli ciyaareedkii hore 20.1% gool u badashay laadadkii ay laageen.

Kooxda Liverpool ayaa kaalinta 4-aad ku jirta iyada oo ay xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ka caawiyeen in ay gool u badalaan 20.1% laadadka ay ku laagaan kooxaha kale.

Chelsea ayaa dhamaystirtay 5-ta kooxood ee ugu sareeya Liiska iyada oo xilli ciyaareedkii ay horyaalka ku guulaystay ee 2016/2017 gool u badashay 20.1% laadadkii ay laageen.

Man United ayaa dhankeeda 2 jeer ka soo muuqatay Liiska 10-ka ugu sareeya halka Liverpool, Arsenal iyo Man City sidoo kale min hal mar oo kale ka soo muuqdeen Liiska.

 Arsenal's 2018-19 group are officially the most lethal Prem team ever

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here