Maxkamadda Degmada Galkacyo ee gobalka mudug ayaa maantay xukun ku riday ee dasanyaal loo haystay falal laxirira kufsi wadareed kadhacay waqooyiga galkacyo kaasi oo sida lasheegay ay gaysteen 3 dhalinayaro ah Oo Maxkamadda Lahor keenay

Kufsiga Oo dhacay Bartamihii Bishii 2aad ee sanadkaan ayaa sida lasheegay koox dhalinayaro waxa ay barmaha magaalada ka afduubteen gabar da deeda lagu sheegay 25 jir taasi oo lagaystay duleedak galkacyo hasa ahaatee ciidamda amniga gobalka mudug ee dhanka puntland ayaa gacanra kudhigay mid kamid ah dhaliyaradaasi waxana kadib lahelay 2kale oo iyana latilmaamay inay qayb ka ahayeen falka kufsiga ah

Eddeaysanayaasha ayaa maxkamadda kasoo hormuuqday tira sadax jeer ah hayeeshee dhagaysi kadib ayaa maxkamadda gobalka muudg ee dhanka puntland waxa ay maanta ku dhawaaqday xukunadii lagu riday

Gudoomiye Kuxigeenka Maxakmadda Sare Gobalka Sheeq Bashiir Sheq Cumar ayaa gunaanadka dhagaysi kadib ku dhawaaqay xukunkii ay mutaysteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here