UEFA ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in garsoore Szymon Marciniak dhex dhexaadin doono kulanka dambe dambe dhex maraayo Barcelona vs Lyon kana tirsan wareega 16-aad Champion-ka lugtiisa labaad.

Garsoore Szymon Marciniak oo u dhashay dalka Poland sababta Barcelona usoo dhaweynin kulanka Lyon inuu dhex dhexaadiyo ayaa ah in garsoorkan labo jeer Barca u qabtay kulamo caan ah Champion-ka guuldarooyin culus la kulmeen.

Szymon Marciniak wuxuu haayay kulankii Barcelona 3-0 guuldaro kala kulantay Juventus wareegii 8-aad Champion-ka iyo kulankii Barca 4-0 guuldaro kala kulantay PSG inkastoo lugtii labaad ay kasoo kabteen.

Garsoore Szymon Marciniak oo 38-jir ah sidoo kale bilawgii xili cayaareedkan wuxuu dhex dhexaadiyay kulankii Barca 1-1 la gashay Inter Milan kana tirsanaa Champion-ka heerkiisa guruubyada.

Sidaa darteed 3-kulan ugu dambeesay garsoore Szymon Marciniak Barcelona u qabtay cayaaraha Yurub wax guul ah ma aysan gaarin waana hubaal in taageerayaasha Camp Nou habeen dambe garsoorkan soo dhaweyn doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here