Taageeryaasha Real Madrid ayaa dabaal dag weyn ku jiraan daqiiqadii udambeyay maadama lagu dhawaaqay in halyeey kubada cagta Zinedine Zidane uu dib ugu soo noqday kooxdiisa Real Madrid.

Macalin Solari ayaa maanta macsalaameyay kooxdan waxayna Tv-ga El Chiringuito ku dhawaaqeen daqiiqado kahor in Zidane kooxda kusoo noqdya shabakado kalena wey qoreen waxaana la filaa waqti yar kadib in Real Madrid si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto.

Madaxweynaha Madrid ayaa in badan Zidane rabay inuu kooxda kusoo noqdo midaasn wey usuuro gashay inkastoo halyeeygan reer Faransa uu doonayey xili ciyaaredkan markuu dhamaado inuu imaado kooxda balse wada hadalo deg deg ah kadib wuu ogolaaday inuu sii dhameestiro xili ciyaaredka inta kadhiman iyo kan xiga.

Awooda Real Madrid oo dhan ayaa gacanta loo galinayaa Zidane sido kalena qarash badan oo uu ciyaar yahankuu rabo ku iibsan karo ayaa loo diyaariyay waxuu kaloo wax ku lahaan doona go’aamada ugu waaweyn kooxda dhab ahaantii wuu kasoo daahay halyegan kooxda.

Zidane sedex UCL ayuu u qaaday kooxdan isagoo macalin ah waxaana la filaa Real oo xaalad xun kujirta inuu isku shaan dhen iyo dib udhis culus ku sameeyn doono maalinta barita ah ayuuna soo shaqa tagi doonaa..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here