Kooxda AS Roma ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday macalinkeeda Eusebio Di Francesco shaqada inay ka racadeesay kadib markii kooxdan ka hartay Champion-ka.

Eusebio Di Francesco ayaa shaqadiisa ku waayay in Roma 3-1 ku reebtay naadiga Porto wareega 16-aad Champion-ka xili kooxdan xili cayaareedkeeda uu ahaa mid aad u liito.

Wararka xarunta Roma laga helaayo waxay sheegayaan ruug cadaa Claudio Ranieri  si ku meel gaar ah shaqada loogu dhiibayo inta xili cayaareedkan ka harsan.

Macalin Di Francesco todobaadkan mid u wanaagsan uma ahayn waayo Lazio ayaa 3-0 ku xasuuqday halka Porto Champion ka reebtay taasina waxay sababtay shaqadiisa inuu ku waayo.

Macalin Di Francesco Roma wuxuu qabtay xagaagii 2017 asigoo kooxdan leyliyay 87-kulan asigoo guuleestay 46-kulan, wuxuu bar bar dhac galay 18-kulan halka 23-kulan laga badiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here