Lionel Messi ayaa si rasmi ah xulka Argentina ugu soo laabtay tan iyo markii koobkii aduunka 2018 xulkiisa wareega 16-aad ku reebeen France uma uusan cayaarin balse haatan wuxuu soo galay hogaamiyahan liiska sida rasmiga ah loo magacaabay.

Messi wuxuu cayaari doonaa kulamada bishan dabyaaqadeeda Argentina la cayaarayaan xulalka Venezuela iyo Morocco balse si la yaab leh waxaa liiska xulka iska waayeen sedexda weeraryahan ee kala ah Mauro Icardi, Sergio Aguero iyo Gonzalo Higuain.

Messi ayaa waqti wacan Barcelona la qaadanayo wuxuuna aqbalay xulkiisa Argentina inuu dib ugu soo laabto labada kulan saaxiibtinimo bishan cayaarayaan sidoo kalena waxaa rajo wanaagsan laga qabaa xagaagan Copa America inuu xulkiisa kala qayb galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here