Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda ay halka magaalo ka dhisanyihiin ee Fullham iyadoo guushaas uga mahad celineyso xidigaheeda Higuain iyo Jorginho.

Chelsea oo maanka ku heysay guuldaro kazoo gaartaa Fulham iney wiiqi doonto rajadeeda top4 ayaa cayaarta kusoo gashay dardar iyo kubad heysasho iyagoo isku dayayay iney cayaarta hogaanka u qabtaan.

Isku daygii Blues ku dooneysay iney cayaarta hogaanka u qabato ayaa miro dhal noqotay kadib markii ay daqiiqadii 20aad goolkoodii koowaad la yimaadeen.

Willian ayaa kubadda garabka midig kala soo xarooday kahor intuusan kubadda u baasin Azplicueta kaasoo asna baas cajiib ah usoo dhigay Higuain oo asna kubadii shabaqa dhex dhigay.

Daqiiqadii 27aad Fulham ayaa koorno heshay ayadoo kubaddii lasoo qaaday uu ka faaideystay laacibka kooxda Fulham Chambers isla markaasna kubadda goolka la beegsaday taasoo uusan goolahye Kepa waxba ka qaban waayay sidaasna cayaarta kaga dhigay 1-1.

Balse 3 daqiiqo kadib Chelsea ayaa markale hogaanka qabatay kadib gool qurux badan oo uu dhaliyay xidigeeda khadka dhexe Jorginho kaasoo caawin ka helay Eden Hazard wuxuuna cayaarta ka dhigay 1-2 oo ay Chelsea hogaanka ku heysay.

Natiijadaas ayaa lagu kala nasta qeybtii hore, balse markii la isku soo laabtay ayay labada kooxba ku fashilmeen in wax saameyn intaas kabadan la yimaadaan waxayna cayaarta kusoo dhamaatay 1-2 oo ay Chelsea sadaxdii dhibcood kula carowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here