Kulankan adag ee garoonka Wembley ka dhacay cayaarta qaybteeda hore ama xili hore waxaa Spurs gool kaga naxsaday Ramsey daqiiqadii 16-aad waxaana goolkan oo weerar celis ahaa caawinaad ka geestay Lacazette ayadoo Ramsey oo dhexda ka qaatay kubada kadibna u gooyay goolhaye Lloris shabaqana kubada ku hubsaday.

Spurs fursado badan ayay qaybta hore sameeyeen waxaana la hilmaami karin goolhaye Leno kubado is xig xigaan inuu Tottenham ka celiyay una suura galiyay Arsenal in hogaankeeda laga soo celinin.

Qaybta hore cayaarta waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heesay Arsenal kumana qanacsaneyn jamaahiirta Spurs ee garoonka Wembley usoo daawasho tageen sida wax u socdeen.

Qaybta labaad cayaarta kulankan xamaasadiisa isma dhimin waxaana dhacday in Spurs cayaarta kusoo laabatay kadib markii gool ku laad ama rigoore loo dhigay uu gool u badalay Harry Kane daqiiqadii 74-aad wuxuuna cayaarta ka dhigay 1-1.

Arsenal iyadana fursad dahabi ah ayaa soo martay daqiiqadii 89-aad waxaana loo dhigay gool ku laad ayadoo Aubameyang qalad laga galay balse nadiib daro weeraryahanka reer Gabon kooxdiisa guusha uu siin karay wuu dhaaf siiyay waxaana rigooradii ka celiyay goolhaye Lloris!

Kulankan waxaa lagu daray 5-daqiiqo ayadoo labada koox ay fursado dheeraad ah isku heleen balse wax gool ah ma aysan iska dhalinin waxaana dhacday daqiiqadihii ugu dambeeyay in Lucas Torreira casaan Arsenal laga siiyay.

Kulankan Derby-ga ayaa 1-1 ayuu kusoo idlaaday taasi oo ka dhigan in Spurs leedahay 61-dhibcood ayadoo 29-kulan cayaartay kuna jiraan booska 3-aad halka Arsenal leedahay 57-dhibcood kuna jiraan booska 4-aad waxayna afar dhibcood ka hooseeyaan Tottenham balse Gunners-ka waxay lumin karaan kaalinta 4-aad haddii Man United guuleesato kulanka Southampton la cayaareyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here