Maxkamadda darajada 1aad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta dil toogasho ku xukuntay shan dhalinyaro oo ku eedeysnaa Kufsi.

Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda.

Dhalinyarada kufsiga geysatay ayaa la sheegay inay qirteen kufsiga ay gesyteen, waxaana afar ka mid ah laga soo qabtay Qardho, halka midka kalena laga soo qabtay Gaalkacyo

Dhalinyarada la xukumay ayaa magacyadooda waxay kala ahaayeen:-

1- C/risaaq Axmed Cilmi 18 jir
2- C/risaaq Cali Cabdi 18 jir
3- Yusuf C/llaahi Xirsi 18 jir
4- Ugaas Mire Barre  19 jir
5- Cismaan Maxamed Cabdulaahi 18 jir.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa bishii la soo dhaafay ka dhacay dhowr kiis kufsi ah iyo dil ah oo loo geystay gabdho aad u da’yar, waxaana dhacdadii ugu xumeyd aheyd kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here