Wargeysyada gudaha dalka Spain ayaa tooshka ku ifiyay kulanka El Clasico-da ee lugta labaad wareega 4-ta Copa del Rey ku dhex mari doono caawa garoonka Santiago Bernabéu kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Garoonka Santiago Bernabéu ayaa ka mid ah garoomada uu ugu jecel yahay xidiga reer Argantina ee Lionel Messi, kaasoo uu ku soo bandhigo kulamada uu kaga soo muuqdo qaab ciyaareed cajiib ah, muddo ka badan toban sanno.

Hadaba Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia, ayaa isku dayay inuu ka careysiiyo kooxda Real Madrid, kadib markii uu boggiisa hore ku soo daabacay maanta oo Arbaco ah, cinwaan uu ku sheegay:

“Messi beertaada adiga dartaa ayay diyaar u tahay”.

Wargeyska oo hadalkiisa intaas ku sii daray ayaa wuxuu yiri:

“Muuqaalkii ugu fiicnaa ee Messi, ciyaaryahanka reer Argentina oo 15 gool ku soo dhaliyay garoonka Santiago Bernabéu, wuxuu doonayaa inuu qoro lambar kale ee cusub”.

Si kastaba Messi ayaa kulanka caawa u ah muhiim wuxuuna doonayaa inuu dhaliyo gool, si uu u soo afjaro, dhibaatada kaga heysata in kooxda Real Madrid uusan xirfadiisa kubada cagta wax gool ah kaga dhalinin tartanka Copa del Rey, inkastoo uu kaga hor yimid 7 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here