Xaqiiqada 1-aad: Markii ugu horeesay kulan EPL ah ayay Man United qaybta hore cayaarta sedex bedel adeegsatay.

Xaqiiqada 2-aad: Mohamed Salah 4-kulan uu EPL wajahay Man United wax gool ah kama dhalinin sidoo kalena wax gool ah kuma caawinin.

Xaqiiqada 3-aad: David De Gae wuxuu sameeyay 100-kulan EPL ah inuu shabaqiisa ilaashtay sidoo kalena waxaa darajadan kaga horeeyay goolhaye Peter Schmeichel oo isagana 112-kulan shabaqiisa ilaashtay asigoo Man United u cayaaro mana jirto naadi kale oo labo goolhaye EPL min 100-kulan u cayareen oo shabaqooda difaacdeen.

Xaqiiqda 4-aad: David de Gae wuxuu noqday goolhayaha ugu horeeyay ee xili cayaareedkan Liverpool garoonkiisa gool ugu diido ama shabaqa ka ilaashto.

Xaqiiqada 5-aad: Firmino 8-kulan uu Man United la cayaaray EPL wax gool ah kama dhalinin kaliya hal gool ayuu ku caawiyay, halka Mane 4-kulan EPL uu United la cayaaray hal gool kaliya uu ka dhaliyay.

Xaqiiqada 6-aad: Alisson ayaa noqday goolhayaha ugu horeeyay ee Liverpool ah kaasi oo 15-kulan EPL shabaqdiisa difaacdo tan iyo goolhaye Pepe Reina oo xili cayaareedkii 2009/10 sidaas sameeyay. Alisson 27-kulan EPL uu cayaaray 15-kulan ayuu shabaqiisa ilaashtay halka Reina 35-kulan EPL uu cayaaray 17-kulan uu shabaqa ilaashtay xili cayaareedkii 2009/10.

Xaqiiqada 7-aad: Man United 10-kulan ugu dambeesay EPL cayaartay wax guuldaro ah ma aysan la kulmin, 5-horyaal Yurub ugu caansan kaliya Juventus oo aan 29-kulan laga guuleesanin iyo Barcelona 13-kulan aan laga badinin kulamada horyaalka ayaa bandhig wacan United haatan.

Xaqiiqada 8-aad: Jesse Lingard ayaa noqday cayaaryahanka ugu horeeyay EPL ee qaybta hore cayaarta badal kusoo galo sidoo kalena isla qaybta hore badal ku baxo tan iyo Kevin Long oo Burnley u cayaaro kulan ay wajaheen New Castle Janaayo 2015.

Xaqiiqada 9-aad: Qaybta hore kulan EPL ka tirsan oo afar badal la sameeyo waxaa ugu dambeesay Febraayo 2009 kulan Wigan vs Fulham dhex maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here