Kooxda Arsenal ayaa 2-0 guusha kaga qaadatay naadiga Southampton kulan ka tirsanaa EPL oo ka dhacay garoonka Emirates waxayna Gunners-ka la imaadeen labada gool qaybta hore cayaarta.

Alexandre Lacazette ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal daqiiqadii 6-aad waxaana kubada caawinaad ka geestay weliba xili hore ayuu Gunners-ka culees ka dagay.  

Henrikh Mkhitaryan ayaa Arsenal hogaanka u dheereeyay kana dhigay cayaarta 2-0 waxayna Arsenal helen kalsooni ay cayaaarta ku maamuli karaan.

Tababare Emery kooxdiisa Arsenal labadooda gool ayay ilaashteen qaybta labaad ee cayaarto sidoo kalena fursado dheeraad ah ayay iska dacayeen balse ugu dambeyntii 2-0 ayay hogaanka ku qaateen.

Arsenal guusha ay gaartay waxay kaga dhigan tahay inay kaalinta 4-aad kala sareyna EPL la wareegto waxayna leedahay 53-dhibcood ayadoo cayaartay 27-kulan waxayna hal dhibic booska 4-aad ka sareeyaan naadiga Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here