Ciyaar-yahanka qadka dhexe oga ciyaara kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa fariin baaq ah baraha bulshada usoo mariyay dhamaan taageerayashiisa isagoo muujiyay inuu caawa ka qeyb gali doono kulan kooxiisa wajaheyso Bate Borisov.

Ozil ayaa kooxdiisa ka maqnaa kulankii u dambeyay ee ay ciyaareyay maadama uu xanuunsanaa sida la sheegay balse Mirror waxay maanta sheegeysa in xidigaan isku diyaarinaayo kulanka adag ee caawa dhici doono.

2 sano udambeysay xiddigaan 7 kulan kama uusan qeyb galin sababo la xariira xanuuno badan oo uu sheeganayaayey waxuu soo dhigay baraha bulshada sawir isaga iyo kooxdiisa ah isagoo soo raaciyay “We Are Arsenal”

Waa xili ay isku diyaarinayaan kulanka caawa dabcan Ozil caawa waxuu doonayaa inuu guul usoo hoyiyo kooxdiisa ugu yaraana 1-0 ciyaarta kusoo dhamaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here