Kooxda Arsenal ayaa 3-0 cagta ku marisay naadiga BATE Borisov waxayna wareega 16-aad ugu gudbeen Europa League isku darka labada lug 3-1 ayadoo Gunners-ka bandhig heer sare ah la imaadeen kulanka Emirates ka dhacay.

Macalin Emery kooxdiisa goolka kowaad cayaarta ku daah fureen waxaa iska dhaliyay Zakhar Volkov daqiiqadii 4-aad kadib daafaca awooda badan Shkodran Mustafi ayaa Arsenal hogaanka u dheereeyay daqiiqadii 39-aad ayadoo 2-0 lagu kala nastay qaybta kowaad.

Daafaca reer Greece Sokratis Papastathopoulos ayaa daqiiqadii 60-aad 3-0 ka dhigay wuxuuna gool u badalay uu caawinaad ka geestay Xhaka oo kulankan labo gool caawiyay.

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambeyntii 3-0 guusha kaga qaadatay naadiga BATE Borisov oo lugtii hore 1-0 Arsenal kaga naxsatay waxayna Gunners-ka wareega 16-aad ugu gudbeen isku darka labada lug goolasha la iska dhaliyay 3-1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here