Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich oo ka kala dhisan Horyaalada England iyo Germany ayaa caawo kulan adag isugu balansan garoonka kooxda Liverpool ee Anfield Road.

Kulankaan oo ah kulan daafaha caalamka oo dhan laga wada sugaayo ayaa wuxuu soo gali doonaa saacada afrikada bari markey tahay 10;45pm  waxaana labada kooxba dhaawac iyo ganaax uga kala maqnaan doonaan xidigo muhiim ah.

Kooxahaa oo midiiba ay heysato min 5 Uefa Chambions League ayaa horay u wada kulmeen 6 jeer.

Bayer Munich waxay guuleysatay 1 jeer oo qura.

Liverpool waxay guuleystay 2 jeer.

Halka 3da jeer ay soo hareena ay barbaro galeen.

 

Mudadaas Bayern waxay dhalisay 6 goal.

Liverpool iyadana waxay dhalisay 8 Goal.

Guushii ugu weyneyd ee Bayern gaartay waxay aheyd 3-1.

Guushii ugu weyneyd ee Liverpool gaartay waxay aheyd 3-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here