Liverpool ayaa xasuuq aanan caadi ahayn kala dul dhacday kooxda Arsenal oo ugu martisay garoonka Anfield.

Gunners ayaa dharbaaxada la hor martay iyadoo Ainsley Maitland-Niles uu dhaliyay goolka koowaad ee Arsenal daqiiqaddii 11-aad ee ciyaart.

Balse wixii markaas ka dambeeyay kullanka waxa uu ahaa mid gacanta u galay kooxda Liverpool.

Reds ayaa goolka bareejada heshay ka dib markii uu Roberto Firmino dhaliyay goolka ciyaarta ka dhigay bareejo 1-1 daqiiqaddii 14-aad.

Isla Firmino ayaa mar kale shabaqa gool kale ku riday waxaana uu ciyaarta hooggaankeeda u dhiibay Liverpool daqiiqaddii 16-aad.

Sadio Mane ayaa waxa uu dhaliyay goolka saddexaad ee ciyaarta dhalisay Liverpool, waxaana uu shabaqa gaaray daqiiqaddii 32-aad.

Ciyaarta waxaa istaagga ka riday Mohamed Salah oo daqiiqaddii 45-aad ee ciyaarta ka dhigay kullanka 4-1.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay natiijadaas, hase ahaatee markii dib la isugu soo laabtay Reds ayaa sii kordhisay xisaabta gool dhalinta.

Roberto Firmino oo ku jiray habeen qurux badan ayaa dhaliyay goolkiisa saddexleyda ka dib rigoore uu shabaqa dul dhigay daqiiqaddii 65-aad ee ciyaarta.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 5-1 oo ay Liverpool ku garaacday Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here