Baladweyne , waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu caansan ee dalka Soomaaliya , waxa ay ku taalaa Bartamaha dalka ,iyadoo uu soo maro webiga Shabeelle ee ka yimaada dhanka dalka Ethiopia, waxa ayna u jirtaa caasimadda Muqdisho 206 Meyl , oo u dhiganta ( 332 km ) , waxa ay u qeybsantaa afar xaafadood oo kala ah October ( Buundo-weyn),Howlwadaag,Kooshin iyo Xaawa –taako ,waxaa dhexmara webiga Shabeelle, dadka degan waxaa lagu qiyaasaa hal milyan iyo bar ruux , waa Magaalada Labaad ee ugu dadka badan dalka Soomaaliya marka laga soo tago Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka , iyadoo sidoo kale ah Magaalada Seddexaad ee ugu bed-weyn (dhul-weyn) dalka .

Magaalada Baladweyne , waa Magaalo Taariikh fog leh , waxa ay caan ku tahay inay ka soo ban-baxaan siyaasiyiin rugcadayaal ah iyo saraakiil milatari , waxaa ka mid ah dadkaasi Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde” ,C/llaahi Cosoble Siyaad ,G/sare Faarax Gubadley .

Magaalada waxa ay leedahay Laba buundo oo lagu kala Magacaabo “ Buundoweyn iyo Liiq-liiqato” .

Magaalada Baladweyne , waxa ay dhacdaa oo ay ka sareysaa badda 1700 mitir , waxaa lagu tiriyaa inay tahay meelaha ugu qabow ee dalka Soomaaliya si kastoo cimilada sanadka ay isku badasho, bilaha March iyo April heer kulkeeda waxa uu gaaraa 22 °C , hayeeshee bilaha kale ee sanadka ayaa waxa uu heer kulkeedu yahay 11 °C , waqtiga saacadda waxa ay ku waqti tahay East Africa Time oo la waqti ah Magaalada Makka Almukarama, una dhiganta waqtiga caalamiga ee Mareykanka +3 .

Salaadiintii iyo Dagaalyahanadii ka soo banbaxay Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay noqdeen kuwa la dagaalama gumeystihii Talyaaniga oo ay guulo ka soo hoyeen intii u dhaxeysay sanadihii 1930-1952dii, oo wixii waqtigaasi ka dambeeyay ay yeelatay Soomaaliya Maamul Daaqili oo lagu gaarayay Xoriyadda guud iyo israaca 1-dii July sanadkii 1960-kii.

Sanadkii 1955-tii Maamulkii gumaysigii talyaaniga wuxuu sameeyay gole sharci dajin oo ka koobnaa 70 kursi, oo 10 ka mid ah loo qoondeeyay jaaliyidii ajnabiga ee ku noolaa soomaaliya sida Jaaliyadaha Talyaaniga,Carabta , Baakistaanta iyo Hindida.

Doorashadii golahaas waxaa ku tartamay xisbiyada (SYL), xisbiga Digil iyo mirifle , axzaabo qabiil iyo kuwa talyaaniga raacsanaa.

Xisbiga SYL wuxuu ka helay 43 kursi oo ka mid ahaa 60-kii kursi ee soomaalida loo qoondeeyay ,XDM oo ah Xisbiga degil iyo Mirifle wuxuu helay 13 kursi, halka inta soo hartayna loo kala qeybiyay axzaabta kale .

Gobolka Hiiraan wuxuu golahaas ka helay 6 xildhibaan oo kala ahaa:

1.Aadan Cabduulle Cismaan (Udeejeen) (SYL)

2 Sheekh Cali Jimcaale Baraale (Xawaadle) (SYL)

3.Sheekh Max’ed Isaaq (Jajeele) (SYL)

4.Sheekh Muxumad Balcad (Xawaadle) (SYL)

5.Sheekh Cabiraxmaan Xaaji Muumun (Gaaljecel) (SYL)

6.Sheekh Max’ed Caddowyar (Baadecadde) (SYL)

Sanadkii 1970-kii , waxa ay noqotay Saldhigii Milatari ee ay ka duulaan tagi jireen dagaalyahanadii Jabhadii Soomaali galbeed ee dowladdii Milatariga Soomaaliya ka gacan siin jiray dhanka militariga iyo maaliyadda intaba.

W/diyaariyay : Xafiiska Hiran State ee Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here