Weeraryankan heerla caalami ee reer France ayaa tan iyo markii uu lasoo dhaqaaqay Borissia Dortmund aan fursad u helin in u kamid noqdo safka koobaad ee Barcelona.

Dembele ayaana maalmihii u dambeeyay si waym loola xiriirinayay in uu ka dhaqaaqayo kooxda ka ciyaarta Camp Nou.

Xidigan ka ciyaara garabka bidix ayaana xiisa waali ah ka helayay kooxda Arsenal oo doonaysay adeeggiisa tan iyo suuqii xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, Don Balon ayaa shaacisay in Ousmane Dembele ui seddex shuruudood hordhigay kubiiritaankiisa Arsenal.

Seddexda shuruudood ayaana ah; 1) in ay koooxdu u ballanqaaddo boos joogto ah, 2) in ay kooxdu siiso mushaar kabadan midka uu haatan ka qaato Barcelona, 3) iyo in uu fursad u helo ku guulaysiga Champions League.

Seddexdan shuruudood ayaan la ogayn sida ay u buuxin doonto kooxda uu maamulo Unai Emery ee Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here